About Us

Maxaanu Qabanaa?

Tubsan Academy waxa la asaasay sannadii 2024 bilawgiisii, waxana asaasay will dhalinyaro ah oo freelancer ah kana shaqaysta online-ka isagoo kaashanaya xirfadiisa aqooneed. Muhiimka ganacsigan keentay waxa weeye baahida dhalinyarada soomaaliyeed u qabaan in ay shaqaystaan iyo shaqayaraanta ka jirta dhamaan dhulka soomaaliyeed. Sida darteed, waxa Tubsan Academy laguugu diyaariyay koorsooyin kor u qaadaya xirfadaada iyo sidoo kale koorsooyin ku saabsan madalaha internetka ee laga shaqaysto taasi oo ay ku barayaan macalimiin lacag badan ka sameeyay madalahaas oo khibrad la taaban karo leh.

BARO XIRFAD

Waxa ku jira mareegtan xirfado kala duwan oo aad ku baran karto wakhti yar oo kooban, kuwaasi oo awood kuu siin kara inaad kaga shaqaysato madalaha online-ka ah adigoo gurigaaa jooga

WAKHTI YAR & CASRI

Qaabka waxbarashadu waa qaab casri ah oo loo qaabeeyay si tolmoon oo tafatiran, taasi oo aad ku baran karto wakhti yar. Macalimiinta kuu dhigayana waa macalimiin iyagu ka dhex shaqaysta madalaha online-ka.

SHAHAADO

Marka aad dhamayso koorsada waxa lagu siin doonaa shahaado la hubinkaro (Authentic) oo caddaynaysa koorsada aad qaadatay, taasi oo kaa caawin doonta helida shaqooyin wanaagsan iyo u-muuqashada qof waxa uu bartay khibrad u leh